|

Barac Obama oo Digniin udiray dawlada Ethiopia

Guddi Dawlada Mareeykanku u xilsaartay arrimaha Xoriyada Diinta oo uu magacaabay madaxweyne Barac Obama ayaa ku eedeeyay dawlada Ethiopia in ay isku dayayso in ay adkayso kontarolka Bulshada Muslimiinta ah ee u dhashay kana mid ah Shucuubta Itoobiya, Iyagoo samaynaya cabashooyinka ayu ku sheegayaan in ay khatar galinkaraan xasiloonida Itoobiya.

Gudigaasi dawlada Mareeykanku Magacaawday ee Magacooda Marka la soo gaabiyo loo yaqaano (USCIRF) una taagan ‘’ U.S. Commission on International Religious Freedom’’ ayaa sidoo kale ku eedeeyay Dawlada Itobiya in ay Xir xirtay dad muslimiin ah oo banaanbaxyo cabasho ah ka samaynayay dalkooda islamarkaana si nabad ah u u soo abaabulay, Iyadoo bay tiri warbixin ay guddigu soo saareen in 29 dadkaasi Muslimiinta ah ka mid ah la xiray bishii ina dhaaftay ee October.

Dawlada Ethiopia ayaa xir xirida dadkaasi banaanbaxyada cabshada dhigayay ku macnaysay in ay ahaayeen dad samaynayay falal argagixisonimo ah. Hase ahaatee warbinta ay guddigu soo saareen oo ahayd tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee dawlada maraykanku soo saarto ayaa tilmaamaysa in Shucuubta Muslimiinta ah ee Ku nool dalka Itoobiya oo sadex meelood ka ah mar loo eego Shucuubta Kirishtaanka ayaa ka cabanaya faragalinta arrimaha Diinta ee ay wado Xukuumada Itoobiya islamarkaana ah mid ay ku midab takooraysa Shucuubta islaamka iyadoo qiil uga dhiganaysa in ay amaanka wax u dhimi karayaan.

Gudoomiyaha Shir gudoonka  Katrina Lantos Swett ayaa ugu baaqday dawlada Mareeykanka in ay arimahaasi kala hadasho dawlada Addis ababa si ay u yaraato xadgudubka shucuubta Muslimiinta ee ku nool Itoobiya .

Itoobiya oo Mareeykanka u ahayd gaashaan ama gabaad ay kaga hortagaan Kooxaha Mintidiinta ah ee ka dagaalamaya Soomaliya ayaa hada badalaysa qorshaheeda ku aadan xadgudubka loo gaysanayo dadka muslimiinta ee doonaya in ay si nabad ah ku soobandhigaan cabshadooda , Iyadoo horay dhibaatooyin intaa kabadan uu maamulkii Mellas zanawi ugu gaystay dad badan oo muslimiin ah oo maaulkiisa ka soo horjeeday.
Waxaa jira baaq ficil ah oo ay dawlada Mareeykanku u dirtay Hogaanka cusub ee wadanka Itoobiya kaasi oo lagala hadlay isbadal ku saabsan siyaasada Itoobiya ee ku wajahan shucuubta Muslimiinta ah , waxaana ay guddiga Xoriyada Diinta Mareeykanku taageereen cabashada kooxaha Muslimiinta eek a dhanka ah maamulka Itobiya.

Tirikoob rasmi ah oo la sameeyay ayaa sheegaya in shucuubta wadanka Ethiopia ay tiro ahaan xagga diimaha kala yihiin, 63% waa Kirishtaan  .34% kiibana waa muslim kuwaasi oo ah kooxo ay guddiga Mareeykanku ku tilmaameen kuwo Moderate ah oo aan xag jir ahayn .

Si kastaba arrintu ha ahaatee , Dawlada Itoobiya oo Ciidamadeedu ay laba jeer iyo inkabadan soo galeen Soomaliya islamarkaana dhibaatooyin badan ay kal kulmeen ayaa muddo kabadan labaatan sano waxaa ay hor istaaganaayeen in maamulkooda ay qay ka noqdaan dadka aaminsan dhinaca Diinta islaamka , waloow ay jireen shakhsiyaad aaminsan islaanimada oo ku hoosnool awooda Xisbiga haysta talada Itoobiya.

 

Wixii War iyo Wacaalo aad hayso Noogu soohagaaji:

Xafiiska Nairobi ;

Emailka :                                                               

Galmuduglive@hotmail.com

Galmuduglive@gmail.com

 

 

 

 

Short URL: http://galmuduglive.com/?p=1353

Posted by on Nov 10 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • baraxley: asc wr wr dhamaan waxan salan udirahaya madaxwenaha galmudug mudane cabdo xasan cawaale iyo shacbiga rer...
  • Runta ha la abaaro: 1. Guddiga doorashada uu magacaabay Cabdi Samad waa ansax madaama: a) Madaxweynaha haduu maqan...
  • Shanna: Right now on The Coupons App there is a 65% off coupon at Perricone MD. $15 off coupon at Vonage. A FREE...
  • khayre ingiriis: alle haku xifdiyo dhamaan reer galmudug meel kaste ayku nool yihiin
  • Mr WordPress: Hi, this is a comment.To delete a comment, just log in and view the post's comments. There you...